Shirka Golaha Wasiirada Juba Land oo lagaga hadlay howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe .

January 3, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada ee Maanta.

Xaalada Siyaasada wadanka iyo dhacdooyinkii u danbeeyay ayuu Madaxweynahu u sharaxay golaha iyo sida ay Jubbaland ula jaanqaadayso howlaha socda dhinaca amaankana wuxuu sheegay in howlgalo dhawaan bilaabanaya Gobolka Jubbada Dhexe lagaga xoraynayo kooxda Al-Shabaab waxaana uu sheegay in doorka ugu muhiimsan ay tahay sidii Bulshadu ay uga qayb qaadan lahayeen.

Gudiga midaynta dakhliguna waxay ka warbixiyeen halka ay u marayaan howlaha lagu midaynayo dakhliga Jubbaland iyo talaabooyinkii u danbeeyay ee ay qaadeen iyagoo sheegay in Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si fiican ula shaqaynayaan.

Dhinaca kale Wasaarada Macdanta Tamarta iyo Biyaha ayaa soo gudbisay labo xeer oo kala ah Xeerka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xeerka Siyaasada Jihaynta iyo Iskaashiga Dowlada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo golahu uu dhawaan meel marin doono.

——-DHAMAAAAD——

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online