Ciidanka Amniga Boosaso oo qabtay kooxdii dishay Ganacsade Salaad Cabdi Cukaashe[ Masawiro/Video]

February 13, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka amaanka Puntland ay howl galo ay ka sameeyeen xaafaddaha Boosaaso ay ku gulaysteen in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey dilkii allaha u naxariistee ganacsade Salaad Cabdi Cukaash oo habeen hore lagu dilay xaafadda raf iyo raaxo.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in dhalinyaro gaaray 60 lagu qabtay howl galada ay ciidanku ka sameeyeen Boosaaso lagu hayo falal amni daro oo ku saabsan dhicida Mobilada iyo falal kale oo tuugo nimo ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ku goodiyey in dhalinyaradaan si dhaqso ah loo geyn doono Maxkamada ka dibna lagu xiri doono Gobolo ka fog halka ay ka geysteen fal danbiyoodyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay jiraan kuwo doonaya in ay ka cabsiiyaan shacabka iyagoo u dira teleefano kana codsada lacago baad ah oo ay ku macneeyeen Sakawaad kuwaas oo uu taliyuhu ku sheegay argagixiso saddexaad waxaan uu ugu baaqay shacabka in aysan baqin Telefanada laga soo wacana ay Booliska u soo gudbiyaan.

Ugu danbayntii ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay hayaan ilaa 7 Baabuur oo lagu tahriibinayey dadka kuwaasna ay si dhaqso ah sharciga loo horgeyn doono.


Dhinac kale Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa maalmihii u
danbeeyey ka wada howl galo

Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor oo koonfurta bari kaga began magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa intii ay howlgalka ay wadeen waxaa ay ku soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas.

Saraakiisha Ciidanka Amniga Puntland ayaa waxaa ay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka amniga la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah si Puntland looga sifeeyo kooxaha cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.

Hoos ka eeg howl galka ay Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ka fuliyeen gudaha Boosaaso

M_M_Deeq
Halgan.net

>

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online