Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka soo gaaray Kismaayo

February 10, 2019 - Written by Editor

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka Federaalka ee KMG ah ahna Madaxa Akadeemiyad-goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA Prof.

Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Jubbaland Axmed Xassan Sitiin, Dhalinyarada madasha aqriska iyo qoraalka Maan-kulan iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha madasha Maan-kulan Mukhtaar Cabdiraxmaan Xaashir ayaa sheegay in ay muhiim u tahay dhalinyarada Jubbaland iyo bahda waxbarashadaba imaatinka Prof. Afrax, waxbadana ay ka faa’iidi doonaan muddada uu joogo.

Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa magaalada Kismaayo joogi doono muddo labo maalmood ah, wuxuuna la kulmi doonaa ardeyda Jaamacadaha iyo dhalinyarada degmada Kismaayo.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Jubbaland Axmed Xassan Sitiin ayaa sheegay in ay Guddoomiyaha wax badan iska wareysan doonaan inta uu ku sugan yahay Kismaayo.

Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa islamarkaan madax ka ah guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka dalka ayaa ka mahdceliyay soo dhoweynyta loo sameeyey.

Wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo uu ka maqnaa muddo ku dhow 40 sanno ay samaysay horumar ballaaran, Dowlad-goboleedka Jubbaland ayuu ku ammaanay horumarka ka muuqda magaalada iyo nabadgelyada sugan.

——-Dhamaaad——–

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online