Madaxwayne Ku-Xigeenka Puntland oo Gudoomiyey Shirka Maamul Daadejinta iyo Horumarinta.

February 24, 2019 - Written by Editor
Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa gudoomiyey shirka Maamul daadajinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada, Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan.

Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhagaystay Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey derdergelinta dedaalada maamul daadajinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland.

Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland.

= DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online