Madaxweynaha Puntland Saciid CLaahi Dani oo ka hadlay dilka maareyaha dekedda Boosaaso Paul Anthony (Daawo)

February 4, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa oo saaka subaxnimadii dil loogu geystey magaalada Boosaaso.

Madaxweyanaha Puntland ayaa uga tacsiyey gaarida Paul Anthony Farmosa shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, Dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii foosha xumayd ee lagu diley maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa, waxaan uga tacsiyeynayaa dhacdadaasi foosha xun shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, dowladda Imaaraadka oo shirkadda laga leeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed’’ Ayii yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

“Falkan oo ahaa fal argagixiso ah oo aad u foolxun waa dhaqan ay beryahan oo dhan la beegsanayeen siday shacabka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeedba noloshooda ugu halis-gelin lahaayeen, haday tahay noloshooda dhaqaale, midooda nafeed iyo tan sumcadeedba, dabinkan lagu diley Paul Anthony, ma aha dil loo geystey shakhsi maamule ah oo keliya, waa dil loo geystay ummadda Puntland oo loogu talagalay in la baabi’iyo horumarkooda, dhaqaalahooda, sumcaddooda iyo barnaamijyada ka socda in dalka lagu hormariyo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in talaabo sharci ah laga qaadidoona cid kasta oo lug ku yeelata falkani foosha xun, waxaa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland ku booriyey inay fiiro gaara u lahaadaan cadawgooda oo ay farta ku godaan inta ku dhexdhuumanaysa.

“Arrintaas baadhitaankeeda cid kasta oo lug-kuyeelata ama dalka hajoogto ama debeddiisee waa denbiilayaal ka galay dadka reer Puntland denbi, cid kasta oo ay ku cadaato arrintaasina waxaan ka qaadaynaa talaabo sharciga waafaqsan, arrinta ma orankarno arrin argagixiso keliya waxa ka danbeeyana waan ogaandoonaa waa arrin lagu weerarayo shacabka Puntland iyo horumarkooda, dhaqaalahoodana lagu wiiqaayo, mustaqbalkooda lagu dilaayo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa cadeeyey in aragagixisada, Al-shabaab, daacish iyo cid kasta oo cilaaqaad laleh ay mutaysandoonaan ciqaab adag oo aan naxariis lahayn, isla markaana waxa uu faray ciidamada dowladda Puntland meelkasta oo ay joogaan inay heegan u galaan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga ilaalin lahaayeen cadawga uga imaanaya gudaha iyo dibaddaba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa marlabaad ka tacsiyeeyey falka xun ee lagu diley maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa, Madaxweynaha ayaa cadeeyey in Puntland iyo Soomaaliyaba aad uga xuntahay falkaasi xun, waxaana uu xusay inuu rajaynayo in falkaasi ku koobnaandoono fal argagixiso oo ka dhan ah dhammaan ummaddaha aduunka, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan bulshada caalamka iyo Soomaaliduba sidii laysaga qaban lahaa dadka xagjirka ah, ka Puntland ahaanna aanay midab-gaara u kala lahayn aragagisisadu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELIN, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online