Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Wasaaraddaha Dowladda iyo Hanti Dhawrka Guud

February 27, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda iyo Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaana uu kormeeray Madaxweynuhu Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga, Wasaaradda Degaanka, Beeraha, iyo Isbedelka Cimilada iyo Xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa kormeerka uu ku sameeyey Xarumaha Wasaaraddaha iyo xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland muhiimaddiisu ahayd waxka ogaanshaha shaqooyinka muhiim ka ah ee ay xarumahaasi u hayaan shacabka Puntland iyo dowladdaba, waxaana uu Madaxweynuhu si qoto dheer uga xog waraystay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Wasaaraddaha iyo Hanti Dhawrka guud, isla’ markaana waxa uu la qaatay dhammaantood kulamo gaar ah oo ay xog ka siinayeen shaqooyinkooda.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray maanta xarumaha Wasaaraddaha kala ah Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland, waxaa ku sugnaa dhammaan masuuliyiinta xarumaha iyo hawl wadeenadoodiiba.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac.

” Runtii shaqada Madaxweynuhu waxa ay u badnayd maanta kormeer, inuu arko shaqada dowladda habka ay u socoto, intuu soo magacaabay Xukuumadda cusub, taasi oo muujinaysa yididiilada iyo horusocodka, in la arko sida loo shaqaynayo, Wasaaradihii inuu arko, shaqaalihii inuu arko iyo sidii loo kala maarayn lahaa Wasaaradaha shaqo wadaagta ah iyo Wasaaraddaha laysku daray, sidaan u sheegnay khamiistii hore ee shirka Golaha Xukuumadda looga hadlay”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online