Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda

February 25, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Golaha Garsoorka Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu uga gollahaa kormeerkan korjoogtaynta shaqooyinka baaxaddale ee ay hayaan hawlwadeenada Golaha, sare u qaadidda iyo tayaynta Golaha Garsoorka Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Xarunta Golaha Garsoorka, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey Kormeerka ayaa mid mid u galay xafiisyada xarunta, waxaana uu Madaxweynuhu kulan Gaara la qaatay Guddoomiyaha, xeer ilaaliyaha iyo dhammaan hawlwadeenada Maxkamadda” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

“Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa uu Madaxweynuhu kulan gaara la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda iyagoon ka wada-hadlay Tayaynta iyo kobcinta dakhliga dowladda iyo miisaaniyaddaba”Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND. MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online