Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Dhismaha Wadada Ceel daahir-Ceerigaabo.[Masawiro]

February 26, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladd Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kulanka ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarsho guud oo dhex martay Madaxweynaha Puntland iyo Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dar-dargelinta dhismaha wadada, xog guud oo la xidhiidha habsami u socodka iyo caqabadaha jira.

Sheekh Maxmuud Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa ka warbixiyey waxa uu ku saabsanaa kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Guddiga Dhismaha wadada

“Maanta waxaa qabsoomay kulankii ugu horreeyey oo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland intii la doortey iyo guddiga wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo shirkaasna waxa uu ku saabsanaa guud ahaan is xog wareysi, guddigu in uu fursad u helo oo ay Madaxweynaha uga waramaan wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo sida ay marka hore ku bilaabatay, hada Meesha ay marayso shaqadeedu sida ay u socoto, muuhiimmadda koowaad ee maanta laga lahaa waa sidaas, guddigu waxa ay Madaxweynaha uga warameen wadada shaqadeedu sida ay u socoto, dhaqaalaha wadada soo galay iyo Meesha ay wax marayaan ayey ka warameen’’ Ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta Puntland iyo sidii loola jaan qaadi lahaa wadamada Horumaray ayaa balan ku qaaday in uu dhamaystiri doono wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo mashruuc kasta oo wadanka hurumarkiisa ah.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online