Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika

February 10, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha.

“Labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalam.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaaradda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxootigu u yeeshaan waxsoosaar, una hormariyaan noloshooda iyo xirfadahooda.

“Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda ka qayb-galaysa shirka in ay qaataan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda mustaqbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhismaha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaadata gacan-siinta qaxootiga iyo barakacayaasha.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online