Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday

February 25, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah.

Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikh shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Sweden, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo.

——- DHAMMAAD———

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online