Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika[Masawiro]

February 11, 2019 - Written by Editor

Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online