Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo muhiim ah (Masawiro)

February 7, 2019 - Written by Editor

Shirka golaha wasiirada Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta ka qabsoomay guriga martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir guddoominaayey kulanka golaha wasiirada.
Muddadii shirku socday waxaa warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha sida wasaaradda xannaanada xoolaha iyo wasaarado kale.

Arrimaha sida gaarka ah loogu lafo guray shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa kamid ahaa daryeelka bay’ada iyo ilaalinta deegaanka, xoojinta amniga iyo adkeynta nabadgelyada, xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta hay’aha Dowladd iyo tayeynta adeegyada ay bulshada u fuliyaan hay’adaha Dowladda sida wasaaradaha.

Markii shirku soo dhamaaday waxaa Jubbaland TV la hadlay wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni, wuxuuna sheegay in shirku u qabsoomay sidii loo qorsheeyey, wuxuuna hoosta ka xariiqay wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladdu ay isla qaateen kor u qaadista shaqooyinka loo hayo bulshada Jubbaland.


—-Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online