Banbax Howleed Ku Saabsan Dib-U-Eegista Dastuurka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Djibouti [Masawiro]

March 4, 2019 - Written by Editor

Djibouti:-Banbax howleedkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee baarlamaanka, iyo Guddiha Madaxbannaan ee Dib-eegista iyo Hirgelinta Dastauurka, oo socdyay muddo 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland mudane C/xakiim Mohamed Ahmed, iyo habdhowraha golaha shacabka mudane Sharmarke Garaad Saleebaan iyo lataliyaasha hayadaha kala duwan.

Intii u socday banbax howleedkan waxaa saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe howleedka midaysan ee latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo latashiyada iyo wacyigalinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wadashaqaynta saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-ueegista dastuurka iyo sida ay uga go’antahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland C/xakiim Maxamed Axmed oo hadal ka yiri kulanka xiritaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada.

Gabagadii, waxaa lagu ballamay in la bilaabo ololaha wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019 .

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online