Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigay Xarunta Kaydka Xogta Biyaha iyo Deegaanka.[Masawiro]

March 20, 2019 - Written by Editor


Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay xarunta kaydka xogta Deegaanka iyo Biyaha.


Dhagax dhigga xaruntani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socotey Hay’adda FAO, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha, dhismahan ayaa noqonaya xaruntii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Soomaaliya ilaa waxkhtigii uu dalku burburay, waxaana mashruucaan maalgaliyey EU, isla’markaana waxaa fulinaysa Hay’adda FAO oo kaashanaysa Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni oo muujinaya ahmiyadda balaadhan ee mashruucan leeyahay ayaa tilmaamay in mushruucan looga faa’iidaysto khayraadkeena dalka ee u baahan in la kaydiyo, isagoona tusaale u soo qaatay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ( War la helyaabaTalo la hel).

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qayb galo xaruntan dhagax dhiggeeda oo runtii qiimo gaar ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland faa’iido gaar ah u leh, mudadii aan burburka ku jirney xarun noocaan oo kale ah waa xaruntii ugu horeysey ee Soomnaaliya laga fuliyo qiimo gaar ah oo aad u weyn ayeey inoo leedahay, waxaan aad uga mahadcelinayaa intii kasoo shaqaysay nooc kastoy tahay, waxaan uga mahad celinayaa hay’addaha deeq bixiyaasha ah oo mar walba la garab taagan sidii dalka iyo dadka ay u hormarin lahaayeen” Ayuu yir Madaxweynaha Dowladda Puntland.


[]

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online