Madaxweynaha Puntland oo Maalintii 3-aad Shir Guddoomiyey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda.

March 14, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii sadexaad shir guddoomiyey shirka jihaynta siyaasadda Xukuumadda dawladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa qoobjoog ka ah Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Wasaaradda Qoshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa daadihinaysa shirka, iyadoo looga hadlidoono shirka qodobada hoos ku xusan.

1. Soojeedin dhammaystirka talaabiyinka hore ee qorshe hawleedka dowladda.

2. Soojeedin iyo falanqayn kobcinta dakhliga dawladda.

A. Sharaxaad nidaamka dakhli ururinta ee dawladda

B. ilaha dakhliga ee dowladda

C. Doorka hay’addaha dowladda ee dakhliga soo saara iyo habraaca la marayo

D. Sidee loo kobcinkaraa dakhliga dawladda?

E. Caqabadaha soo waajaha dakhli ururinta iyo kobcinta.

3. Soojeedin nuxurka shirka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u soo xidhaya shirka, taasi oo micnaheedu yahay in maanta lasoo gebagebaynaayo Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda dawladda Puntland, waxaana shirka kasoo baxaya WAR-MURTIYEED soo koobaya qodobada kasoo baxay shirkani muhiim ka ah.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online