Madaxweynaha Puntland oo Qaabiley Madax Ka Socota Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan.

March 5, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafti ka socdey hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna.

Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Madaxda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Seyid Cumar Guuleed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan Cali, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa mashaariic horumarineed oo ay Puntland ka hirgelindoonaan, mashaariicdaasi waxaa ugu horeeya dhismaha xarunta mashiinka lagu sifeeyo Kelyaha (Dialysis Machines) oo ay horey uga codsatey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo ka qayb qaadashada dhismaha iyo dayac tirka cisbitaalka Caasimadda Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaanu kulan kula yeelanay Madaxtooyada Dowladda Puntland Hay’adda khayriga ah ee Boqor Salmaan, waftigaasi waxa ay u socdeen ka qayb qaadashada horumarinta caafimaadka, mashruuca ugu weyn oo ay hada khaaska ugu socdeen waxaa uu ahaa mashruuc lagu dhisayo meel kelyaha lagu mayro meeshaas oo ah meel aad loogu baahan yahay, waxaan ku hishiiney in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisi doonaan xarun kelyaha lagu mayro,

“Sidoo kale waxaa ku heshiiney marka xaruntaas la dhammeeyo in laga dhisi doono kuwa lamida kuwaas magaalooyinka kale ee Puntland” Ayuu yiri wasiirka Caafimaadka Dr. Jaamax Faarax Xasan.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online