Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF Soomaaliya.[Masawiro]

March 12, 2019 - Written by Editor


Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr Steven Lauwerier iyo wafti uu hogaaminayo.

Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Steven Lauwerier waxaa ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif.

Madaxa hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa ka mahadnaqay sida ballaadhan ee loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada, waxaa uu dowladda Puntland ku amaanay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leedahay Hay’adda UNICEF waxaana uu balan qaaday in ay dar-dar galinayaan howlaha shaqo ee ay ka hayaan Puntland.

Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay kulanka.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu kulan la qaatay madaxa ugu sareeya Soomaaliya Hay’adda UNICEF Steven Lauwerier kulanka ayaa ku saabsanaa wada shaqaynta guud, mashruuc caafimaad oo ay Dowladda Jarmalku ugu deeqday Puntland, mashruucaas oo lagu balaarinayo Cisbitaalka guud ee Garoowe. Isla’markaana Madaxweynaha ayaa cadeeyey in muhiimad balaaran uu leeyahay mashruucaasi, muhiimna ay tahay in la hirgeliyo,” Ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Dhinaca kale Madaxa Hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa muddo xileedkii shaqadiisu soo idlaatay, kulanka ayaa gees ka ahaa sagootin loo sameeyey madaxa Hay’adda UNICEF, iyadoona lagu mahadiyey shaqada uu qabtay mudadii uu joogey.

Ugu dambeyn, Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu mahadnaqay hay’adda UNICEF dedaalka faraha badan iyo waxqabdka balaadhan ay ka wado Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, iyadoo oo uu Madxweynuhu xusey in ay wadashaqaynta wanaagsan ee UNICEF kala dhaxaysa Puntland uu dar-dargelinaayo.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND. MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online