Madaxweynaha Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir.

March 16, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xadhiga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda xadhig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xadhig jarka kadib, kormeer ku sameeyey qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir, waxaana uu warbixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo kaydku kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haya ee shirkadda Sunrice, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey hawsha adag ay u hayaan dalka iyo dadka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa munaasabadda xadhig jarka ka tusmeeyey in daahfurka kaydka shidaalku yahay qaybtii ugu muhiimsanayd ee Puntland u baahnayd dhanka horumarka, isagoona cadeeyey in Garoomadu yihiin wejiga dal-walba laga cabirqaato horumarkiisa.

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan xafladdan kasoo qayb galo, waa wax lagu farxo tani, dalkeenu wixii uu u baahnaa qaybtii ugu muhiimsaneed baa la oran karaa in ay tani tahay, maxaa yeeley wajiga Puntland ama wajiga wadan kasta waa garoomadiisa.

“Garoomadeenu in ay noqdaan garoomo casri ah, indhaha caalamka soo jiita, diyaaradaha caalamka soo jiita, waxay sahlaysaa in dalkeenu noqdo meel si sahlan loo soo gaarikaro, markii taas la helo waxaa iimanaysa maalgashi iyo dad danaynaaya dalka barwaaqada ah, kaas oo ay bulshadeenu ka helayso shaqo abuur oo noloshoodu kor u qaadmidoonto, isbedel weyn baan rajaynaynaa Inshaa Allaah” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa beyaamiyey in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhindoona kobaca dhaqaale ee dalka, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda.

– DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online