Madaxweynaha Puntland oo Xadhigga Ka Jaray Wejiga Koowaad Ee Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

March 30, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaad ee caratuurka wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, isla markaana dhagax dhigay wejiga labaad ee laami saaridda wadada.

Dhagax Dhigga wejiga labaad ee wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddiga dhismaha wadada, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, shacab ka magaalada Ceeldaahir oo goobjoog ahaa, siyaasiyiin, odaydhaqameedyo iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray wershedda samaynaysa daamurka, iyo jayga iyo qalabka dhismaha lagu dhisayo wadada ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaad ee caratuurka wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, waxaana uu Madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu leeyahay mashruucani.

“Waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan halkan ku xarigjarno wejigii koowaad ee wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo qaybtii koowaad ee Caratuurka ahayd ee hadda Guddigu warbixinteeda nasiiyey , Waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee habsamidaleh, ee isxilqaan ka leh ee guddigu hawshaas u qabteen, waxaan uga mahadcelinaynaa dedaalkaas, waxaan Alle uga rajaynaynaa inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo, shacabkooduna waa u ogyihiin tariikhdana waa u gelidoontaa, waana arrin lagu farxo oo runtii isku-tashi ah”

“Sidoo kale waan ku amaanaynaa xukuumaddii hore dedaalka badan ay gelisay ee sida wanaagsan ee dhow uga shaqaysay, waxaan balan qaadaynaa inaan si hagar la’aan ah ula shaqayno Alle idinkiis, waddo laami ah oo Ceerigaabo gashana dhowaan la arkidoono Insha Alla, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay shaqada socota waanna la shaqayn-doonaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray maamulka Hargaysa ayaa uga digay inay hor istaagaan horumarka ka socda gobolka Sanaag, waxaa uu u sheegay in horumarka ka socda gobolkaasi yahay mid aanay Dowladda Puntland cidnaba ka ogolaanayn hor istaagiisa, jawaab deg deg ahna ka bixinayso.

“Waxaan fariin u diraynaa maamulka Hargaysa inuu horumarka ka socda gobolka Sanaag Carqaladda ka daayo oo ka waantoobo hor istaaga horumarka, waxaan rajaynaynaa in horumarkaasi uu noqdo horumar balaadhan oo dhammaan geyigu ka faa’iidaysto , waa horumar Soomaali oo dhan wada-yeelanayso, wadadu waa waddo Soomaaliyeed, degaanku waa deegaan Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in arrintaasi ka qayb qaadato koboca dhaqalaha, horumarka bulshada iyo isu soo dhowaanshaha bulshada,”

“Waxaa naga-go’an mashruucaas sidii loo asteeyey inuu u fulo oo Ceerigaabo tago, waxaana ka digaynaa cid kasta oo carqalad kunoqota inaan Insha Alla ka hortegidoono, anaga iyo shacabka oo wada-jirana aan qayb ka qaadan-doono caqabaddaas sidii looga gudbilahaa, meel horumar ka socdo dagaal anagu ku baaqimayno, mana-rabno in caqabadi dhacdo, waxaanse u sheegaynaa in mashruucan maaliyadda badan ku baxday, qalabka badan ku baxay cid kasta oo damacda inay waxyeelayso, dowladda Puntland diyaar bay u tahay inay difaacdo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online