Madaxweyne Deni “Haddii Wasiiradu aysan ilaalin habraaca Golaha, waxaa adkaanaysa wada shaqaynta”

March 12, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u daah furay Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland

Shirka ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xuumadda, shirku inta uu socdo waxaa diiradda lagu saaridoonaa, arrimo ay kamid yihiin, Amniga Siyaasadda, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah.

“Ujeedada Shirkeena waa sida lagu tilmaamay ciwaankiisa oo ah Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda, Xukuumaddii la ansixiyay 16-kii Bishii Feebaraayo 2019, waxaan rajaynayaa in maanta ay tahay maalintii ku haboonayd ee Wasiiradu ay kari kareen in ay ka qayb qaataan, sidii ay uga miro dhalinlahaayeen, qorshaha la damacsan yahay shanta sano ee soo socota inaan qabano” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda loo fadhiyo in la dajiyo aragtida guud ee Siyaasadda dawladdu ku shaqaynayso, qorshaha sanadkan 2019 iyo in sanad walba sidan oo kale loo dajin doono.

“Shirka ahmiyadaha ugu waa wayn ee la rabo inuu ka soo baxo waxaa kamid ah, in Goloyaashu ay ku dhaqmaan habraaca iyo xeer hoosaadka golaha wasiirada, haddii golaha wasiiradu aysan ilaalin habraaca golaha waxaa adkaanaysa wada shaqaynta iyo waxa dadku naga filayaan ee ay noo igmadeen, waxaan rajayn in inta shirkaan lagu jiro si wanaagsan la isu waydaarsan doono, habraaca Golaha wasiirada oo muddo badan laga soo shaqaynayey, oo aan rajaynayo midka golaha kala hagi doona”. ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in shirkaan lagu diyaarin doono qorshaha 2019 iyo sida ay noqon doonto wasaarad walba iyo shaqada loo igmaday, xoojinta wadashaqaynta si bulshada loogu adeego, ka doodista dhaqaalaha, Siyaasadda iyo amniga, si loo abuuro jawi ballaaran oo ku saabsan maaraynta iyo horumarinta dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in shirkaan lagu eegi doono, hannaanka wada shaqaynta Puntland iyo dawladda Faderaalka.

“Dalku wuxuu marayaa Faderaal, Faderaalku wuxuu ku dhisanyahay Dastuur qabyo ah oo KMG ah oo waxyaabihii u waawaynaa ee dhinaca wada shaqaynta qabyo ka ah, wuxuu qabyo ka yahay habkii nidaamka Federaalku siduu ahaanayo iyo sida loo wada shaqaynayo waxaan wali degsanayn xeerka maaliyadeed ee dalka yeelanayo, dhinaca Faderaalka iyo dhinacyada kale, waxaa si KMG ah loogu dhaqmaa xeerar la dajiyay wakhti dalku ahaan jiray nidaamka dawladda dhexe oo qura, arrimahaasna waxay u baahan yihiin in si qoto dheer loo ogaado”. ayuu yiri Mudane Deni.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in tan iyo 2006-dii dowladnimada Soomaaliya laga sameeyay is badal dhanka horumarka ah, dhaliilo soo bixi karaan, isla markaana ay jiraan dad ka soo horjeeda dhaqan galka nidaamka Faderaalka ah ee dalka, waxa uu caddeeyay in Puntland u taagan tahay midnimada Soomaaliya iyo ku dhaqanka hanaanka Fadeerlka ee la wada qaatay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWALDDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online