Madaxweyne ku- Xigeenka Puntland oo furay Shir Looga Hadlayo Nafaqada Puntland.

March 11, 2019 - Written by Editor

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay shir ballaaran oo looga hadlayo dhaq-dhaqaaqa kor u qaadista la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garowe.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, waxaa ka qayb galay wasiirada wasaaraha, Caafimaadka, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Haweenka & Horumarinta Qoyska , Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska , Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Waxbarashada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar kamid ah hay’adaha caalami ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani yahay mid muhiim ah, waxa uu tilmaamay in dadka ugu badan ee ay soo foodsaarto nafaqadaridu ay kamid yihiin caruurta, dumarka iyo dadka xoolo dhaqatada ah, isla markaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Ku-xigeenka in dawladda ay ka go’antahay kor u qaadidda la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa hay’addaha iyo xukuumaddaba ku booriyey inay dar-dargaliyaan hawlaha shaqo ee lagaga hortegayo Nafaqadarida, iyadoo mar walba maanka lagu haynayo caqabadda ka imaan-kara abaarta ka jirta dalka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha iyo xukuumaddaba ka codsaday inay dar-dargeliyaan dhaq-dhaqaaqa lagu dabar goynayo Nafaqo darida, Isla mar’ahaantaana waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku amray hay’addaha iyo Wasaaraddaha ku shaqada leh arrintani in ay marwalba heegan u ahaadaan ka hortagga Nafaqo darida.

=DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online