Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Furay Shirka Siyaasadda Maamul Daadajinta Puntland (Masawiro).

March 2, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya Wasaaradaha iyo Dagmooyinka la shaqeeya Mashruuca GPLG.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kala qayb-galay Todobo dagmo oo kala ah, Garoowe, Bosaso, Qardho, Gaalkacyo, Goldogob, Eyl iyo Bandar-Bayla. waxaa sidoo kale goob joog ahaa Wasiiro, Wasiiru dawlayaal iyo Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dimuquraadiyadda, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Howlaha Guud & Garoomada, Haweenka, Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Macdanta, Tamarta iyo Biyaha.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Shirka Khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Mashuurcaan JPLG uu Puntland ka socday ku dhawaad 10 sano, kaasi oo si wayn looga faa’idaystay, ayna muhiim tahay in isku filnaansho la helo si looga maarmo ku tiirsanaanta Hay’addaha deeq bixiyaasha ah.
Sidoo kale Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland ayaa ugu danbayn sheegay in loo baahanyahay in hannaankii hore ee mashruucaan uu ku socday wax laga bedelo, isla markaana taladiisa iyo shaqada la qabanaayo si wadajir ah la isaga kaashado, waxaana uu dhammaantood furay inay si dhow u wada shaqeeyaan, si shacabka Puntland loo gaarsiiyo adeeg dhammaystiran.

Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG waxa uu ka socdaa 9 degmo, waxaana shirkaan uu Garowe ka socon doonaa muddo laba cisho ah.

—————-DHAMMAAD———

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online