Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo La kulmay Saraakiil Ka Tirsan Hay’adda UNICEF.

March 10, 2019 - Written by Editor
Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka tirsan Hay’adda UNICEF oo ay hoggaaminayso madaxa qaybta Nafaqada ( Chief of Nutrition of UNICEF ) Melanie Galvin iyo xubno kale.

Kulanka uu la yeesahay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland saraakiisha ka socda hay’adda UNICIEF ayaa waxaa ku wehelinaayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana ka warbixiyey kulanka Xiriiriyaha Mashruuca Kor u qaadidda Nafaqada Shacabka Puntland Maxamed Cabdisalaan Ali.

”Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo waftigu waxay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa heerka nafaqo ee shacabka Puntland, waxaa kaloo diiradda lagu saaray kulanka dhaq-dhaqaaqa waxyaabihii ugu danbeeyay ee u qabsoomay hay’adda dhanka nafaqada iyo qorshayaasha hadda horyaalla sidii loo dardar gelinlahaa, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu uga mahadceliyey hay’adda UNICEF shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan Puntland” ayuu yiri Xiriiriyaha Mashruuca Kor u qaadidda Nafaqada Shacabka Puntland Maxamed Cabdisalaan Ali.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku booriyey ha’ddaha ka hawlgala Puntland, bulshada rayid ka ah iyo masuuliyiinta Goleyaasha dowladda Puntland inay isugu yimaadaan kulan lagaga arrinsanayo ka hortagga Abaarta iyo Nafaqada.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online