Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirarka Tubaha Dhaqaalaha iyo Amniga

March 31, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirar ay yeesheen guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo cadaaladda.

Shirka tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa lagu meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha kadibna uu kasoo talo bixiyay garyaqaanka guud ee dalka.

Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka ee maanta ay oggolaatay tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la hor geynayaa shirka golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan uguna gudbiyaan baarlamaanka.

Shirka tubta amniga iyo cadaaladda ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, sare u qaadidda amniga caasimadda iyo qorshaha argagaxisada looga xoraynayo deegaannada ay uga suganyihiin dalka.

—DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online