Sh.Shibli oo ka hadlay dhacdadii Muslimiinta lagu laayey ee dalka New Zealand

March 18, 2019 - Written by Editor

Nairobi:-Sh.Dr Maxamuud Maxamed Shibli ayaa waxaa uu ka hadlay dadkii Muslimiinta ahaa ee Jimcihii hore lagu laayey Masjid Al-Nuur ee ku yaal dalka New Zealand.

Sh.Dr Maxamuud Maxamed Shibli ayaa Alle uga baryey in dadkii Muslimmiinta ahaa ee lagu laayey Masjid Al-Nuur in Alle u naxariisto

Dr Maxamuud Maxamed Shibli ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in afhayeenka Al-shabaab uu ka tacsiyeeye dadkii muslinka ahaa ee lagu laayey masjid ku yaal Newzealand.

Sheekh Shibli ayaa yiri ”Waa arrin fiican balse waxaa uu wiidiiyey kooxda Al-shabaab Farqiga u dhexeeya Dhiiga dadka Muslinka ah ee Soomaalida ah iyo dadka muslinka ah ee lagu dilay Newzealand. Yaa culimada Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Shiikh C/qaadir Nuur Faarax maalin Jimco ah ku dhex dilay masjid dhexdiis isagoo salaad Casar u taagan, yaa maalmo ku hor masjid dhexdiis ee ku yaal magaaladba Boosaao ku dhex dilay maalin jimco ah Suldaan Bashiir Koonto, Yaa dila dadka u socda masaajidda ama ka soo baxa.

Sh.Dr Maxamuud Maxamed Shibli ayaa waxaa xusay in tacsiyeynta ururka Al-shabaab oo qaraxyo iyo weeraro ismiidaamin ah ku dilay boqolaal Soomaali ah uu yahay mid aan run ka ahayn marka la eego ficilkooda.

Ugu danbayntii ayaa Sh.Dr Maxamuud Maxamed Shibli waxaa ugu baaqay Hogaankan ururka Al-shabaab ay ka fogaadaan dilka ama qarxinta dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah oo shareecada islaamku ay xaaraantimaysay.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online