Shir u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka dhacay[Masawiro]

March 20, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Sii-hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Wasiir Ku-xigeenka Xildhibaan Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa gudoomiyay Shirka Boardka ee Barnaamijka Dib-u-eegista Dastuurka kasoo ay ka qeybgaleen labada Guddi ee dib-u-eegista Dastuurka, Deeqbixiyayaasha,UNDP iyo UNSOM.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka ilaa iyo hadda iyo sii ambaqaadka oo ay ka mid tahay la-tashiyooyinka dadweynaha, horgeynta cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay Baarlamaanka iyo xilliga ugu dambeyn lasoo gabagabeynayo
dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Ku-Xigeenka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ugu horeeyn ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Marxuum Wasiirkii hore C/raxman Xoosh Jibriil, wuxuuna ballanqaaday in si habsami leh loo sii wadi doono howlihii miradhalka ahaa ee uu hogaaminayay Marmuum Xoosh;
waxuuna Dr. Xuseen xaqiijiyay in wax isbedel ah ku imaan doonin hanaanka dib u eegista dastuurka.

Ugu dambayn, Dr. Xuseen waxuu deeq-bxiyaasha, UNDP iyo UNSOM kaga mahadceliyay taageeradooda dhan kasta ah, waxuuna ku booriyay in ay taageeridooda sii wadaan si looga guul gaaro dhameystirka dib u eegista dastuurka muddada loo asteeyay ee sanadkan 2019ka oo
aynu haatan ku jirno.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online