Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka la wareegay.[Masawiro]

April 16, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda,
Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan
ee Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay’adaha UNDP iyo Maxplanck, iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Ugu horeeyn, labada Gudoomiye ee Gudiyada arrimaha Dastuurka ayaa khudbado soo dhaweeyn ah ka jeediyay xafladda iyagoo ballanqaaday inay si dhow u la shaqeeyn doonaan wasiirka cusub.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii ay wasaaradda gaartay laga soo bilaabo sanadkii 2017ka ilaa iyo maanta, Wasiir Ku-xigeenka waxqabadkii uu sheegay waxaa
kamid ahaa hagaajinta hab-maaamulka Wasaaradda, aas-aasidda Madasha ay ku kulmaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, qabashadii Shir-weynihii Qaran ee lagu Daah-furay Ollolaha Dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta arrimaha wacyigelinta
bulshada ee sare u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, iyo arrimo kale oo waxqabadka wasaardda kamid ahaa.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka ee anigoo aanan doonan ii dhiibay xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow
idiin la shaqeeyo, ma noqon doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa. Waxaan ka dalbanayaa dhamaan Gudiyada, Madaxda Xukuumadda iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda inaan isku garab istaagno dhameeystirka Dastuurka ee
muddo soo jiitamayay si aan u helno Dastuur dhameeystiran oo ku yimaado wadajir”.

Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xafladda soo xiray ayaa ugu horeeyn Alle ugu baryay Wasirkii hore Avv Cabdi Xoosh inuu Alle Janatul Firdowz ka waraabiyo, dhanka kale waxuu Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha Wasaraadda
sii dar-dargeliyo, wuxuuna howlwadeenada Wasaaradda ku ammaanay guulaha ay gaareen labadii sano ee la soo dhaafay.

Ugu dambayn, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka wuxuu sheegay in madaxda sare ee Qaranka ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka.

 

[]

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online