Madaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rukta Ganacsiga Abu-Dhabi iyo Ganacsato.

April 10, 2019 - Written by Editor

Abu Dhabi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dhabi iyo ganacsatada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatuur (Gabiley) La taliyayaal sare oo ka tirsan Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan muhiim ka ah ayaa looga hadlay xoogjinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Imaaraadka, waxaana si qotodheer looga wadahadlay arrimo la xidhiidha ganacsiga xoolaha, isku xirka Puntland iyo Imaaraadka ee dhinaca duulimaadyada, kobcinta ganacsiga labada dhinac iyo dhiiri-gelinta maalgashiga .

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa kulamo la qaatay rugta gancsiga Abu-Dhabi iyo ganacsatada dalkaasi, waxaana wafdiga Dowladda Puntland u soo bandhigeen ganacsatada dalkaasi fursadaha ganacsi ee Puntland ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga labada dhinac.

Kulamada muhiim ka ah ee lagaga arrinsanayey iskaashiga ganacsi iyo midka wadashaqayneed ee labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga iyo xoojintiisa oo ay ugu muhiimsanayd ganacsiga xolaha iyo dhoofintooda, waxayna kulamadaasi kusoo dhammaadeen is afgarad iyo wadashaqayn labada dhinac ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona inta uu ku sugan yahay Imaaraadka madaxda iyo ganacsatada dalka kaasi, kuwaasi oo loogu gogol-xaadhayo kobcinta xidhiidhka qotada dheer ee labada dhinac, midka maalgashi, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.



=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online