Madaxweynaha Puntland oo markale shir ku casumay madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada

April 28, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in dowladda Puntland ay marti galinayso shir wada-tashi ay iskugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

“Puntland waxay diyar u tahay hadii ay wax khaldameen in ay saxdo, wixii khaldamayna ay horay uga socoto, waxaa aan rabnaa in la xisaabtamo door dheer ay yeesheen Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, iyo wada tashi la la-sameeyey madaxda sare ee dalka Madxaweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaa la isla gartay maadaama tabashooyin Puntland sida ay u qabto ay maamulada kale dalkuna u qabaan, haba kala duwaanadeen daruufaha iyo xaaladaha ay ku kala nool yihiin’

“Si taas xal loogu helo tabashadeedana la helo waxaan soo jeedinay, guud ahaan dadkii meeshaas joogay la islana gartay in la yeesho shir wada-tashi ah, shirkaasna uu ka dhaco magaalada Garoowe, uuna qabsoomo bishan soo socoto May, 02, 2019 ilaa inta ku filan uu socdo oo ah inta aan la gaarin ramadaanka” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey qaabka iyo qodobada looga wada hadli doono shirkaas wad-tashiga ah ee Puntland marti galin doonto.

“Shirkaas waxaa uu noqonayaa shir si dhab ah looga wada hadlayo oo la rajeynayo in lagu jaangooyo qaabka madaxda Dowladda Federaalaka Soomaliya iyo Madaxda Dowladda xubanha ka ah DFS ay u wada shaqayn lahaayeen, sidoo kale in lagu xadido magaca uu qaadanayo habkaas lagu wada shaqaynayo oo uusan noqon kii hore oo la oran jiray “Golaha Amniga Qaranka” iyo sidii dib loogu eegi lahaa dastuurka Dalka oo aan u aragno in uu ku socdo wado khaldan”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

– DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online