Madaxweynaha PL oo ka warbixiyey Safaradiisii uu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya.[Video]

April 27, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka warbixiyey Safarkisii Shaqo ee uu ku tegey Dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

“08 bisha April illaa 19 isla bishaasi, waxaan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaan magaalada Abu Dhabi kula kulmay masuuliyiinta dalka Imaaraadka qayba kamid ah oo aan ka wada hadalnay waxyaabo badan oo khuseeya Puntland oo ugu heereeyo dhinaca nabadgelyada, iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta dhinaca ganacsiga iyo arrimo kaloo badan oo khuseeya wadahadal dheer, waxaa halkaas ka dhashay Isfahan ku aadan siyaasadda Dowladda Puntland u muuqanaysey”

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey kulamo uu la qaatay Rugta ganacsiga Abu Dhabi iyo shirkadaha DP-World iyo Fly Dubai oo arrimo muhiima uu kala hadlay oo khuseeya horumarinta dalka.

“Sidoo kale waxaan la kulanay Rugta Ganacsiga Abu Dhabi, waxaan u sheegnay meelaha u baahan fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, waxaana isla qaadanay wax kastoo Puntland u ah dan oo quseeya maalgashiga, intaas kadib waxaan u soo gudubnay magaalada Dubai, waxaan halkaas kula kulanay masuuliyiinta Imaaraadka Dubai waxaana usoo bandhignay xogta dalka”

“Sidoo kale waxaan la kulanay guddoomiyaha iyo maareeyaha shirkadda DP-World oo runtii aan la wadaagnay marxaladda ay Dekedda Boosaaso marayso xiligii hishiiska lagalay ilaa maanta reer Puntland ay tabasho qabaan , isxog wareysigaas waxaa ka dhashay in dhaliilahaas lawada saxo, waxaana la’isla gartay in shaqo cusub oo xadidan la-isla qabto si uu heshiisku u noqdo heshiis macno leh oo fula”

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in isaga iyo weftigiisu ay la kulmeen ganacsato iyo shirkado ay ka mid tahay Fly Dubai oo uu xusay Madaxweynuhu inay Puntland dhawaan ka shaqayndoonaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo sii wata ka warbixinta safarkiisa ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tegay Dalka Kenya oo uu kulamo kula qaatay qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka oo saldhig u tahay Nairobi.

”19 bisha April waxaan tagnay dalka Kenya oo ilaa maanta aan joogey Safarkaas waxaa uu ku salaysnaa maadaama ay Nairobi xarun u tahay Dowladdaha Saaxiibka la’ah Soomaaliya, khaasatan Puntland oo gacan weyn ka geysatay horumarada dalka ka jira, waxyaabaha ugu waaweyn ee aan kala hadlaynayna waxaa kamid ahaa sidii loo horumarin lahaa nidaamka Siyaasadeed ee Puntland oo nidaamka Demuqraadiyeynta iyo doorshooyinka oo halkaas uu ka qabsoomay”.

“Waxaan halkaas kaga qayb-galnay shir looga hadlayey arrimaha doorashoooyinka oo aan kusoo bandhignay sida ay nooga go’antahay in Puntland ay ka qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, iyaguna ay naga-garabsiiyaan, is afgarad iyo guul buuna ku soo dhammaaday, mudadaas aan joogney waxaan arkay safiirada wadamo dhowr ah sida Saudi Arabia, Norway, Sweden, India, Masar, USA, EU, iyo Kenya oo aan kulamo la qaadanay masuuliyiin ka tirsan dalka Kenya”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

– DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online