Madaxweynaha PL oo kulan la qaatay Ganacsatada Puntland.[Masawiro]

April 4, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari,

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Ganacsatada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Caawa waxaa qabsoomay shir aad U muhiim, kaasi oo dhex maray ganacsatada Puntland Iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, shirka waxaa xoogga lagu saaray horumarinta dhinaca dhaqaalaha iyo amniga guud ee dalka.”

“Dhanka kale Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday, sheegayna in ay dowladda ka go’antahay horumarinta dhinaca dhaqaalaha dowladduna ay diyaar u tahay wax walba oo kor u qaadaya dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka kulanka oo muddo dheer socdey ganacsataduna ay fikrado ka soo jeedisay waxay balan qaadeen in ay doonayaan in ay wadanka maalgashadaan, kana shaqeeyaan horumarinta ganacsiga iyo amniga”.



-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online