Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Hindiya ee Soomaaliya.

April 25, 2019 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi kulan kula qaatay Safiirka dalka Hindiya ee Soomaliya, Ambassador Rahul Chabbra.

Kulanka oo ahaa mid muhiimaddiisu sareysey, ayna labada dhinac si weyn u soo dhoweeyeen ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo tababarada shaqaalaha rayid ka ah ee Puntland.

Ambassador Rahul Chabbra ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan muhiim ka ah, waxaana uu Dowladda Puntland ku amaanay kaallinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, iyo la dagaalanka Burcad Baddeeda. Safiirka ayaa balan qaaday in Puntland ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan si xiriirka labada dhinac uu u noqon lahaa mid waxbadan oo faa’iido leh soo kor dhiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Kenya oo uu halkaasi kulamo kala duwan oo heer caalmi ah kula qaadanayey beesha caalamka ayaa aad u soo dhaweeyey dhankiisa kulanka waxaana uu xusay in Puntland ay diyaar u tahay ka shaqaynta kor u kaca xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo Hindia.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online