Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

April 23, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad.

Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka baaaladhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaadhan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online