Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka Jarmalka Ee Soomaaliya.[Masawiro]

April 7, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka subaxnimadii hore safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Boosaaso, soona Gebagebeeyey safarkiisii taariikhiga ahaa ee Gobolada Karkaar iyo Bari ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Gureyeynta Axmed Bashiir Muuse iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther iyo weftiga balaadhan ee ay hogaaminaysey, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in safarka safiiraddu yahay socdaalkeedii ugu horeeyey ee ay ku tagto meel ka baxsan Muqdisho.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ahayd in safiiradda dalka Jarmalka, ku-xigeenkeeda iyo waftiga balaadhan oo wehelinayey yimaadaan Garoowe, waxaan aad ugu faraxsanahay Safiirada oo markii ugu horeysey meel ka baxsan Muqdisho safar ay ku timaado noqotay Garoowe, waxay muujinaysaa in xiriir ka Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan Puntland uu sii xoogaysanayo,”

“Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Ambassador Annett Günther ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay imaanshiyaha Puntland waxayna xustay in mashaariicaha horumarineed ee Dowladda Jarmalku ka fuliso Puntland ay sii socon donaan, iyada oo xustay in wafdiga ay hogaaminayso ay qayb ka yihiin madaxda Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filaayo in wakhti kooban gudihii uu dib u bilaaban doono dhismaha wadadaas

[]


=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online