Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Safiirka Masar Ee Soomaaliya.

April 29, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madxatooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabiley wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo.

“Waxaa booqasho noogu yimiid safiirka Dowladda Masar ee aan walaalaha nahay iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo waxaan aad uga mahadcelinaynaa safiirka dedaalkiisa uu ugu jiro sidii uu u kobcin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta dalka Masar iyo Soomaaliya wadahadalladii qaybihii hore ayaan yeelanay, qayba danbe waan yeelan doonaa mudo sadex bari ahna dalka way ku sugnaan doonaan ilaa magaalada Boosaaso ayey tegi doonaan

“Safarkan wuxuu ku waajahan yahay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gar ahaan Puntland iyo xiriirka wax wada qabsi ee dhinacyada horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, Cadaaladda, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee xoolaha iyo wixii la halmaala”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar ayaa dhankiisa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Kulanka Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtootada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade.


=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online