Madaxweynaha Puntland oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

April 8, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ku sii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka uu ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu tilmaamay in safarkani ku qotomo adkaynta xidhiidh ka labada dhinac ee arrimaha ganacsiga.

“Maanta oo bishu tahay April 08 2019 waxaan safar ugu socdaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaa i weheliya wafdi wasiiro ka kooban, waxaan rajaynayaa mudada aan ku maqanahay howlo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey aan kasoo wadahadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii labada ganacsi loo sii xoojin lahaa oo ay ugu horayso xoolaha Puntland oo waayadaan laga joojiyey dalka Imaaraadka sidii loo furi lahaa”.

“Sidoo kale maadaama Puntland ay garoomo casri ah dhisatay sidii diyaaradaha Imaaraadku u imaan lahaayeen garoomaha Boosaaso iyo Garoowe iyo Arrimaha DP WOLRD, Dawladda Imaaraadku waxay naga caawisaa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo ladagaalanka argagixisada oo ayana u baahan horumarin dhinaca ciidanka ah maadaama ay culays amni soo bateen, siday nooga taageeri lahaayeen in aan kala hadalno iyo arrimaha ku saabsan horumarinta dhinaca dhaqaalaha”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online