Madaxweyne Deni oo Haygooda Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Puntland iyo RW Hore ee Soomaaliya.[Masawiro]

April 24, 2019 - Written by Editor

Nairobi:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo arrimo shaqo u jooga dalka Kenya, gar ahaan magaalada Nairobi ayaa maanta hoygooda ku booqday Madax weynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee masuuliyiintan ayaa daaranayd salaan walaalnimo, wada dhalasho, xog-waraysi guud iyo ka warqabka musuuliyiintan oo doormuhiima ka qaatay dhismihii dowladda Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Abshir Faarax oo soo noqday Safiirada Dalalka Jabaan iyo Jarmalka u qaabilsanaa Soomaaliya ee xiligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa mudooyinkii dambe xanuunsanayey Madaxweynaha Puntland oo hoygiisa ku booqdey ayaa Alle caafimaad uga rajeeyey, isla markaana Madaxweyne Deni ayaa hoygiisa salaan iyo u kuurgelid xaladdiisa ugu tegey Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Tani waa talaabo ka mida oofinta balanqaadyadii Madaxweyne Deni ee maalinkii xilwareejintii Madaxweynaha Janaayo, 14, 2019. Khudbad muhiima oo uu jeediyey Madaxweynuhu ayuu ku sheegay inay si dhow ula shaqayndoonaan Madaxdii dalka soo maamushay, isla markaana uu si dhow uga warqabidoono, talo ahaan, iyo nolol ahaanba.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online