Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

April 27, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya.

”Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Soomaaliya”.

“Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnay”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender oo ka mahadnaqay soo dhoweynta heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Puntland ayaa sheegey in ay Madaxweynaha Puntland ka wada-hadleen siyaasadda guud ee Soomaaliya, mashaariicda UK ka fuliso Puntland, sida Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga, isla markaana safiirka ayaa balan qaaday in UK ay kordhindoonto dhankeeda wada- shaqaynta labada dhinac.

Kulanka uu Madxaweynuhu la qaatay Safiirka UK waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

– DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online