Madaxweyne Farmaajo “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda

April 13, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boqollaal dadweynaha kula hadlay Xarunta Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay falkii foosha xumaa ee askari ka tirsan laamaha ammaanku uu ku dilay labo muwaadin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa faray Hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si adag uga hortagaan falalkan arxan darrada ah ee lagu wiiqayo magaca iyo maamuuska laamaha ammaanka, loogana gol leeyahay in hoos loogu dhigo kalsoonida iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed.

“Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda, waqti inta uu naga lumi karo waa naga lumay. Waxaan ballan qaadaynaa in aan ka shaqeyno sida uu dalkeennu ula tartami lahaa caalamka, taasina waxa ay ku suurta galaysaa inshaa Allah taageeradiinna.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay rabshadaha iyo dibad-baxyada colaadeysan ee ay sameeyeen qaar ka mid ah dadkii isu soo baxay, kaddib falkii arxan darrada ahaa ee dhacay, isagoona sheegay in shacabka ay ka digtoonaadaan kuwa fowdada abuuraya ee burburinaya hantida dadweynaha.

Madaxweynaha oo adkeeyey dadaalka ay Dowladdu ku bixinayso ilaalinta hantida, nafta iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay dhammaan Muwaadiniinta in ay ilaashadaan miro dhalka Dowladnimo, kuna waano qaataan dhibkii iyo rafaadkii aynu soo marnay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii Marxuum ee kala ahaa Maxamed Deeq Cabdulqaadir Cabdullaahi iyo Maxamed Sheekh Cali, waxa uuna ballan qaaday in askarigii dilkaas gaystay uusan heli doonin gabbaad, caddaaladda la horkeeni doono.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online