Madaxweyne Farmaajo “Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubad keenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh”

April 30, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga
ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh.

“Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo.

Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black)
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online