Madaxweyne Ku-xigeenka PL oo Shir Guddoomiyey Kulan Deg Deg Ah oo Abaarta looga hadlayo.

April 30, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo looga hadlayey xaaladda Abaaraha Puntland, taas oo sababtay biyo la’aan baahsan, xanuuno dillaacay, nabaad guur baahsan oo dalka ka dillaacay iyo nafaqo darro dadka iyo duunyadaba ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ayaa kulanka ka warbixiyey.

“Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan hay’addaha wadanka ka howlgala, UN-ka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa dowliga ahba, kulanka ayaa waxaa gundhig u ahaa in si dhab ah looga tashado waxa ugu deg degga badan ee laga qaban karo Abaarta”.

“Insha Allah Eebbena waxaan ka rajaynaynaa inuu Roobkiisa iyo Raxmaddiisa naga soo gaarsiiyo, shirku arrimahaas ayuu ku saabsan yahay, asbuuc walba shirarkaan waan qaban doonnaa, illaa inta xaaladda wadanku iska bedalayso”. Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha kala duwan ee shirka joogay faray inay si dhammaystiran ugu howl-galaan waxka qabashada xaaladda Abaaraha Puntland.

Ugu dambayn, Shirku intuu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaaystiran oo ka hadlaysa xaaladda Abaaraha Puntland, waxaana lagu muujiyay biyo dhaammin dowladdu ay ka samaysay dhammaan gobolada Puntland, inkastoo baahida Abaartu ay tahay mid ballaaran oo u baahan in loo wada-howlgalo.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online