Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Shirka Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda.

April 21, 2019 - Written by Editor
adaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa waxaa Ku-simaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaasha Hay’addaha Madaxa-banaan iyo kuwa Wasaaradaha Dowladda, Qaryaqaanada Dowladda iyo khuburo kale.

Madaxweyne Karaash oo daah-furay shirka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu leeyahay shirkani oo socondoona muddo laba cisho ah, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo shirkani kusoo bandhigtay doormuhiima oo ay ka qaadatay dib u habaynta shaqaalaha dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad ballaaran xanbaarsan, waxa uu tilmaamay in shaqadan ay horay u soo socotey ujeedkuna uu yahay in Wasaarad walba shaqadeeda lagu jaheeyo.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dib u habayn, qaabayn iyo dib u casriyayn lagu sameeyo shaqaalaha dowladda, waxaana ay beyaamiyeen in shirkan iyo kuwa kale ee horay u qabsoomayba qayb ka yihiin dedaalada dowladdu ku tayaynayso hay’addaha dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha kala duwan ee dowladda kula dar-daarmay inay dhaqan-geliyaan arrimaha shirka kasoo baxa, taas oo meesha ka saaraysa mad-madow horay u jiray.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online