Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Isu Soo Bax Roob Doon Ah oo Garoowe Ka Qabsoomay.

April 11, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon ah oo Eebbe lagu waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada.

Isu soo baxaan Roob doon ka ah oo ka qabsoomay meel magaalada bannaankeeda ah ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey maamulka gobolka Nugaal, kan dagmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawladda, culimo, Isimo iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Khudbado ay jeediyeen Isimada iyo Culimada, waxay dadka ku booriyeen inay Eebbe u noqdaan, ayna iska dhaafaan waxyaabaha keenaya in raxmaddu yaraato.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dadweynaha Puntland ku waaniyay inay is cafiyaan, waxaana uu tilmaamay in abaaraha soo noqnoqday ay ka dhasheen danbiyada la galayo, loona baahan yahay in Eebbe loo noqdo si culayska uu inooka dulqaado.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Alle ka baryey inuu abaarta ka dulqaado ummadiisa, uguna bedelo Raxmaddiisa, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmad loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen oo xilligan ku jira xaalad adag.



-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online