Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay xaflad lagu sagootinayay Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dajinta Soomaaliya.

April 10, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caaawa ka qayb-galay Xaflad ballaaran oo casho sharaf iyo sagootin isugu jirtay,taas oo loo sameeyay Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dajinta Soomaaliya oo maanta shir ugu soo dhammaaday magaalada Garoowe.

Kulankan casho sharafta ah waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalle Cawad, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiilada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koon-fur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle Mudane Shiikh Cismaan Barre Maxamed , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay kasoo qayb-galka kulankan muhiimka ah ee lagu sagootinayo Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dajinta Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyay qorshehooda isku duubnida ah oo ku tilmaamay inuu yahay mid ku dayasho mudan.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay isu imaatinkan oo aan is leeyahay Soomaali oo dhan ayaa ku dhan intaan wada joogta, waan ku raacsanahay wixii wanaagsan ee meesha ka soo baxay, haddaanu annagu nahay reer Puntland, oo aanu nahay Maamulkii ugu horeeyay ee naf iyo maalba ku bixiyay inay dhisanto Soomaali la helo, wax Allaale wixii la isugu yimaado intaas ayaa farxad noo ah, kala maqnaanshaha ayaa annaga noo ah cudur”. ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi CIsmaan Karaash.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ayaa tilmamay inay Puntland ka go’an tahay waxkasta oo la isugu imaanayo, taas oo Soomaalidu ku hagaagayso, ayna tahay taariikh soo jireen ah oo Puntland lagu yaqaan.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online