Nadwo Cilmiyeed 17 aad oo Xalay ka bilaabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari (Masawiro+ Video )

April 12, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa Xalay oo Taariikhdu ahay 11 ApriL 2019 ay Nadwadii 17aad ka bilaabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari gaar ahaan Masjidka Al-Rawda .

Nadwadaan oo Ciwaankeedu yahay : Shanta ay Diintu ilaalisay & Raadka ay ku leedahay Ilaalinta Bulshada ,Nadwada ayaa waxaa kas oo Qeyb galay Culumada ugu Caansan Soomaaliya iyo Isimo iyo Masuuliyiin iyo dad wayne aad u Fara Badan .

Ugu Horayntii ayaa Sh Faarax Cajab ka warbixiyay Nadwada iyo ujeedkeeda ,Kuna Booriyay Bulshada in ay ka Faa’iidaystaan Culumada .
Intaa Ka dib waxaa Bilaabatay Muxaadaradii 1aad oo ku saabsanayd : ilaalinta Diinta ,Waxaa soo jeediyay Sh Dr C/rashiid abuu Saalax oo sheegay in Diintu ay tahay Baahida ugu Horaysa uuna Qofku ka maarmin ,Sidoo kale ayuu Xusay in lagu ilaaliyo diinta Shan Shay :
1.Diinta oo la Barto
2.Diinta oo lagu Camal Falo
3.Diinta oo dadka loogu yeero
4.Diinta oo la isku Xukumo .

Diinta oo la difaaco (Jihaad)

Waxaa Nadwada si weyn u soo camiray dadweynaha magaalada Boosaaso oo lagu yaqaan in ay kheyrka soo camiraan culumadoodana dhageystaan kana faa,ideystaan .


Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online