Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo shir la yeeshay Gudiyada Qaran ee u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.[Masawiro]

April 20, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:_Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir u dhaxeeyay Wasaaradda, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Ujeedada shirka ayaa ahaa dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu horeeyn, waxaa shirka furay Wasiir Saalax Jaamac isagoo sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta Gudiyada Qaran ee ay howsha kala dhaxeeyso.

Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga xog-waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda
ee lagu wadashqeeynayay sanadkii tagay isagoona sheegay in la raaco heshiiskaas si dhowna loo wadashaqeeyo si looga mira-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Dhanka kale, Proff Xasan Mahadalle oo ah xubin katirsan Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ka hadlay howsha gudigga iyo halka ay wax marinayaan.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in loo baahanyahay in dastuurka lagu dhameesytiro sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waxaa iga go’an in aan si dhow idiin la shaqeeyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan ku soo dhameeystirno dastuurka, ogaada dastuurka aan iminka ka shaqeeyneyno waa uu ka durugsanyahay sanadka 2020ka; waa inaa ka dhignaa mid qarniyada soo socda sii jira” ayuu yiri
Wasiirka.

Ugu dambayn, seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa ku ballamay shir kale oo ay uga arinsanayaan sii ambaqaadidda howlaha dib-u-eegista dastuurka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online