Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay sheegtay sida ay Itoobiya ugala xisaabtantay arrintii Khariidadda

May 29, 2019 - Written by Editor

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ka taagneyd xiisad ka dhalatay sawir khaladan oo ay daabacday wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, kaasoo “meel ka dhac ku ahaa Soomaaliya iyo dalal kale”. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda markii ugu horreysay BBC-da u sharraxday sida ay arrintaas u maareeyeen.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inaysan ka aamusin dhacdadaas ayna u wajaheen qaab diblomaasiyadaeed.

“Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd, iyaguna markii ay khaladkooda arkeen annaguna aan kala hadalnay ayey ka saareen, cudur daar ayey ka sameeyeen, baaritaanna way sameynayaan”.

Cawad ayaa faahfaahiyay habkii ay u mareen sixitaanka khaladkaas iyo sida ay Itoobiya ugala xisaabtameen wixii dhacay.

“Annagu Dowlad Soomaaliyeed baan nahay, Itoobiya kama mid nihin. Si rasmi ah ayaan dowladda Itoobiya warqad ugu qornay, wayna noo soo jawaabeen dowlad ahaan ayeyna noogu cudur daarteen. Haddii la rabay inaan baraha bulshada ku shaacinno sidaasi ma aha sida ay dowladaha ku shaqeeyaan, habab diblomaasi ayaan u marnay arrinta”, ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in Itoobiya ay safiirro u joogaan Somaliland iyo Puntland, ayna u aqoonsan tahay labo dal.

“Safiirro ma joogaan Hargeysa iyo Garowe, Somaliya hal dowlad bay leedahay, hal safiir ayaana u jooga Itoobiya, safiirkaasna wuxuu joogaa Xamar, isaga ayaana diblomaasiyadda Itoobiya mas’uul ka ah”, ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dad badan oo ay ku jiraan diblomaasiyiin horay uga tirsanaa dowladda Soomaaliya ayaa arrintii dhacday ku tilmaamay mid xad gudub ku ah jirintaanka Qarannimada Soomaaliya waxayna mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ku dhaliileen inaysan si cad uga hadlin.

Khariidadda lasoo dhigay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa muujineysay qaaradda Afrika, iyadoo meesha ay ka maqneyd Soomaaliya, taas baddalkeedana Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

Website-ka sawirkaas lasoo dhigay ayaa durba laga saaray, waxaana goor dambe lasoo dhigay qoraal looga cudur daaranayay, inkastoo aan raalli galin buuxda laga bixinin arrinta carada dhalisay ee ahayd in Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go’in Suudaan inteeda kale.

Tan iyo markii sanadkii lasoo dhaafay uu xilka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya qabtay Dr Abiy Axmed, waxaa horumar dheeraad ah sameynayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna labada dal madaxdooda yeesheen shirar badan oo ay uga arrinsanayeen sidii ay horumar wada jir ah u gaari lahaayeen.


BBC Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online