Madaxweynaha ku xigeenka Puntland oo furay Biyo Xireen Laga Hirgeliyey Deegaanka Salaxley Ee Gobolka Nugaal.

May 28, 2019 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay Biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Salaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 Biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland.

Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash oo Biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo biyo qabatinku, waxaana u mahadceliyey cidwalba oo ka soo shaqaysay oo ay ugu horayso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay’adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa.

“Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo”. ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin qayb wayn oo kamida Nolosha, waxaana uu shacabka deegaanka Biyo Xireenkan laga hirgeliyey kula dar-daarmay inay ilaashadaan, isla markaana uu wax wayn ka tari doono baahida dhanka biyaha ah ee mar walba soo foodsaarta.

Biyo xireenkan oo laga hirgaliyay deegaaanka Sallaxley oo waxyar u jira magaalada Garoowe ayaa markiiba kaydin kara biyo dhan 120,000 oo foosto, waxaana uu qayb ka yahay 10 biyo xireen oo laga hirgaliyey gobolada Puntland mudooyinkii dambe, waana dadaal dowladdu ay kula tacaalayso in wax laga qabto baahida dhanka biyo la’aanta ee soo wajahda dadka xoolo dhaqatada ah ee abaaruhu saameeyaan.

—–Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online