Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Kusoo Dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

May 3, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Gelinkii dambe garoonka Diyaaradaha Garoowe Gan. Maxamed Abshir Kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Soo dhoweynta weftiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyey Weftiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa ka hadlay muhiimadda Shirka wadatashiga ee Puntland martigelinayso.

“Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS”

“Shirkaas oo ah wadatashi oo aan rajaynayno in looga wada-hadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah”. ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online