Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib u ugu soo laabtay

May 27, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal.

“Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”.

Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online